Maxay iska shabahaan Gorgorki xiligi siyaad Barre iyo Kan Muse ee caruurta cunaya

Maxay iska shabahaan Gorgorki xiligi siyaad Barre iyo Kan Muse ee caruurta cunaya Waxa qoray qoraaga Maxamed Bashe Xaaji Xassan

1982 ayaa gorgor yimi Hargeysa. Ri’ buu guudka uga baxay. Maalintiina wuu raacaa oo caws buu u soo guraa, habeenkiina wuu la soo hoydaa oo gasdh ayuu ka qabtaa.

Sadaal gurracan iyo xaajo gurran ayaa arrintaas lagu macneeyey, siyaalo kala duwanna waa looga falceliyey.

Dad badani waxa ay ku fasireen in gorgorku yahay waalid geeriyoodey, godka na lagu illoobey oo xuskii laga gooyey.

Xaaladdii gobolka ee siyaasadeed ee xilligaas xumayd ayaa loo barkiyey. Waa farriin Sheekh Isixaaq, AHN, ka timi ayay dad badani geddaas la yaabka leh u nisbeeyeen in ay tahay.

Hadda degmada Gaashaamo ee maamulka Soomaalida Itoobiya waxa laga soo sheegayaa gorgor dadcun ah oo xoolaha iyo dadkaba weerar ku haya, waxyeellana dad iyo duunyaba gaadhsiiyey.

Haddii gorgorkii Hargeysa yimi 1982 ri’ jeclaaday oo guudkeeda laga duulin kari waayey sidaas loo fasiray, kan laayaanka ah ee 2019 na sidee tolow loo fasiri?

Dadkii berigaas (1982) gorgorka Hargeysa u tegey waxa ka mid ahaa Hadraawi oo ka tiriyey maansada Goljanno. Waa xaafaddii gorgor ku soo degey Goljanni.

Goljanno waa maanso dheer oo lafteedu la yaab badan. Waxa aan ka soo garoocay tusmo ahaan tuducyadan.

In dhoweyd guhaankii
Gulcub buu dhalaayoo
Gorgor iyo wax yaabliyo
Tuke hilib gadaayiyo
Xuunsho geel la joogtiyo
Gelli heeryo sidatiyo
Rati gorod madow iyo
Geesoole boqoriyo
Saadaal gurracanoo
Gurran waa la filayee
Ninkii beesha soo galay
Gonda-dhigashadiisii
Ri’ garbaha iskaga taag
Marna saaryey gaaddada
Mar gadhkeeda feedh feedh
Afka godan ku kaakici
Marna geesaheediyo
Kaga weehay goonyaha
Marna caws u soo goo
Marna sheemi gaarkeed
Ka takooryey gacalkeed.

Gabankiyo haweenkii
Iyo gurungurcoodkii
Gurxan iyo colaad iyo
Guul guul u saar saar
Ku gadoodyey beeshii
Habeenkiina gaadhkiyo
Gaaf-meerka tarantari.

Warka lays galaa bixi
Dabeedna goobtii
Gurmadkii isugu tegey
Afka gacanta wada saar.

Wax la yidhi ri’daa guul
Gallad hoose wadatoo
Cidi aanay garanayn.

Marna gacal xijaabtoo
Gunno iyo xusuus iyo
Laga gooyey samahoo
Godka lagu illaawoo
Isa soo galluubtiyo
Nin gargaar u dudayoo
Gibil doorsan lagu sheeg.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *