0
|
|||||
saaxilnews.net
Maxay iska shabahaan Gorgorki xiligi siyaad Barre iyo Kan Muse ee caruurta cunaya
September 13, 2019 - Written by admin![]() Maxay iska shabahaan Gorgorki xiligi siyaad Barre iyo Kan Muse ee caruurta cunaya Waxa qoray qoraaga Maxamed Bashe Xaaji Xassan 1982 ayaa gorgor yimi Hargeysa. Ri’ buu guudka uga baxay. Maalintiina wuu raacaa oo caws buu u soo guraa, habeenkiina wuu la soo hoydaa oo gasdh ayuu ka qabtaa. Sadaal gurracan iyo xaajo gurran ayaa arrintaas lagu macneeyey, siyaalo kala duwanna waa looga falceliyey. Dad badani waxa ay ku fasireen in gorgorku yahay waalid geeriyoodey, godka na lagu illoobey oo xuskii laga gooyey. Xaaladdii gobolka ee siyaasadeed ee xilligaas xumayd ayaa loo barkiyey. Waa farriin Sheekh Isixaaq, AHN, ka timi ayay dad badani geddaas la yaabka leh u nisbeeyeen in ay tahay. Hadda degmada Gaashaamo ee maamulka Soomaalida Itoobiya waxa laga soo sheegayaa gorgor dadcun ah oo xoolaha iyo dadkaba weerar ku haya, waxyeellana dad iyo duunyaba gaadhsiiyey. Haddii gorgorkii Hargeysa yimi 1982 ri’ jeclaaday oo guudkeeda laga duulin kari waayey sidaas loo fasiray, kan laayaanka ah ee 2019 na sidee tolow loo fasiri? Dadkii berigaas (1982) gorgorka Hargeysa u tegey waxa ka mid ahaa Hadraawi oo ka tiriyey maansada Goljanno. Waa xaafaddii gorgor ku soo degey Goljanni. Goljanno waa maanso dheer oo lafteedu la yaab badan. Waxa aan ka soo garoocay tusmo ahaan tuducyadan. In dhoweyd guhaankii Gabankiyo haweenkii Warka lays galaa bixi Wax la yidhi ri’daa guul Marna gacal xijaabtoo COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|